Gabar jaamiciyad oo lagu dhex dilay Jaamacadda Umadda Faraca Baar Ubax

Gabar jaamiciyad oo lagu dhex dilay Jaamacadda Umadda Faraca Baar Ubax

Koox hubeysan ayaa Jaamacadda Ummadda (UNISO) qeybta Baar Ubax waxa ay duhurnimadii maanta ku dhex dileen gabar dhalinyaro aheyd oo ka tirsaneyd ardayda Jaamacaddaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen maamulka Jaamacadda.

Dabley hubeysan oo u muuqday inay heysteen xog dhameystiran ayaa gudaha Jaamacadda gashay waxayna si toos ah u tageen fasalka ay dhiganeysay gabadha, halkaasi ayayna ku toogteen, kadibna halkaasi ayay ka baxsadeen.

Fasalkaas shareecada waxaa gabar ka ahaa marxuumada la toogtay iyo gabar kale oo kaliya, halka inta kale ay ahaayeen wiilal.

Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Soomaaliya ayaa waxa ay inoo sheegeen gabadhan in Jaamacadda ay ka baraneysay kuliyadda Shareecada, islamarkaana ilaa hadda aanay garaneyn sababta loo beegsaday.

Qaar ka tirsan ardayda ayaa waxa ay sheegeen gabadha la beegsaday oo lagu magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan inay sanadkeedii ugu dambeeyay ee Jaamacadda ku jirtay.

Si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa rag hubeysan inay gudaha u galaan Jaamacadda oo aan la ogoleyn inuu galo qof aanan wadan aqoonsiga Jaamacadda, kadibna ay geystaan toogasho, sidoo kalena baxsadaan.

Diwaanka Wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • asc radio daljir waaa idin salamaye salan ka dib aad ayaan idin kugu mad celinyaa sida wanaagsan oo aad noog soo gudbisaan waraka lakiin waxaan idin ka codsanaa in ad ciwaanka iska saxdaan ma ahan mesha gabadha lagu dilaye jamacada umada ee waa jamacad soomaliya uniso

  • Abdihakim hirsi yusus 5 years ago

    Ilaahay ha unaxariisto dhamaan dadka lagu dilay meelaha hala si with an

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com