?Todobo qof oo ku lug lahaa dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaan soo qabanay”Wasiirka amniga Puntland Col.Khaliif Ciise

Bosaso,Dec 30 – Wasiirka amniga ee dowladda Puntland ayaa ka warbixiyay howlgalo dad lagu soo qabqabatay oo ay sameeyeen ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso,kuwaasi oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilkii magaalada Boosaaso loogu gaystay shantii bishan marxuum Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Wasiirka amniga iyo hub kadhigista Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan oo shir jara’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay ciidamada amaanku inay soo qabqabteen todobo qof oo lala xiriirinayo inay ka dambeeyeen dilkii loogaystay Marxuum Dr Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Ciidamada amaanka ee dowladda Puntland ayuu sheegay wali inay ku howlanyihiin soo qabqabashada dad badan oo looga shakisanyahay dilkaasi inay qayb ka ahaayeen,waxaana uu intaasi raaciyay todobada qof ee xiligaan loo soo qabqabtay dilkii sheekha in lasoo taagi doono maxkamad.

Wasiirka oo dhinaca kale wax laga weydiiyay qaraxyo ay ciidamada amaanku fashiliyeen iyo kuwa khasaaro uu kasoo gaaray ciidamo katirsan kuw amaanka ee Puntland ayaa waxaa uu ku jawaabay

“Shalay laba qarax ayaa meel la dhigay mid waxaa nooga geeriyooday sadex shahiid oo khubaradii miinada ahayd,midna ciidamada ayaa qarxiyay iyadoo cidna aan waxba yeelin,maalin kasii horaysana sarkaal miino baare ah oo saraakiishayna ugu qaalisanaa ahaa ayaa sidaas oo kale u haleeshay,aakhirkii dad ka badan 30 qof ayaan usoo qabanay”

Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa sare u qaaday amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo dhawaan uusoo gaaray madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo wafdi balaaran oo kascoda dowladda faderaalka oo uu hogaaminaya ra’isal wasaaraha xukuumadda faderaalka Prpf.Cabdiwali Maxamed Cali’Gaas’

Diiwaanka Wararka
DAljir Bossaso. http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com