Todobaadkan iyo halganka SSC-Khaatumo iyo xasiloonida deegaanada la xoreeyey

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Todobaadkan iyo halganka SSC-Khaatumo iyo xasiloonida deegaanada la xoreeyey

Todobaadkan iyo degaanada SSC degganaan kooban ayaa ka muuqatey, marka laga reebo madaafiicda Somaliland oo dhismayaal magaalada ah burburiyey. Xaruma

Ammaanka Puntland, ciidamada amniga iyo askariga indhoshareeran ee Bossaso (qaybtii 2aad)
Time to name and shame shameless Puntland politicians who oppose Puntland democratization
Laascaanood, xuska 1da Luulyo iyo todobaadkan & halganka SSC-Khaatumo

Todobaadkan iyo degaanada SSC degganaan kooban ayaa ka muuqatey, marka laga reebo madaafiicda Somaliland oo dhismayaal magaalada ah burburiyey. Xarumaha caafimaadka Laascaanood ayaa xaqiijiyey in duqeymaha Somaliland ay saddex qof ka soo gaareen dhaawacyo sahlan.

Dhinaca maamulka, Guddiga Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku dhawaaqay khasaaraha Somaliland u gaysatay dadka degaanka, ayaga oo sheegay in 500 oo qof  tiro gaadhaysa ay ku dhinteen dagaalada, halka dhaawacuna uu haatan yahay tiro dhan 3,000, sida ku xusan warsaxaafadeedka guddiga.

Dhanka Buuhoodle, waxaa maanta magaalada soo gaadhey Janaral Saleebaan Barre Geesood oo ahaa Abaanduulaha Ciidamada Somaliland, kana soojeeda degaanada SSC-Khaatumo. Sarkaalkan oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dhinaca Kililka Shanaad ee Soomaalida-Itoobiya ayaa si weyn loogu soodhoweeyey magaalada Buuhoodle, waxa uuna halkaas ka caddeeyey in uu ka beri yahay Somaliland, uuna qoor keenay. Imaanshaha Janaraal Geesood ayaa ah dhabarjabkii ugu weynaa ee Somaliland soo gaadha maadaama uu ahaa nin ka warhaya xogaha hoose ee ciidanka iyo saanadaha ay haystaan.

GUDDIGII 33 OO ISU DHALANROGEY 45

Saaka waxaa madasha shirarka ee Laascaanood lagu kulmiyey Guddiga cusub ee haatan beeluhu soo xuleen, kuwaas oo ka kooban 45 xubnood oo badelaya kuwii hore maamulka SSC-Khaatumo u hayn jirey. Guddigan cusub oo lagu soo xulay aqoon iyo karti ayaa waxa goobta yimi 35 xubnood, taas oo ansixintooda dib loogu dhigay muddo saddex maalmood ah, loogana goleeyahay in ay isu soo dhammaadaan. Waxaa la filayaa in marka la dhaariyo madax dhaqameedkuna ay asixiyaan ay soo dhisaan qaab maamul, maadaama guddigii hore ay ahaayeen talawadaag, taasina ay culays weyn ku ahayd hawl socodsiinta halganka.

XAALAD CUSUB OO DAGAALKA KU SOO KORODHAY

Dhacdo dhib iyo dhaawac mustaqbalka fog iyo kan dhowba keeni karta ayaa asbuucaan ku soo biirtay dagaalada ka socda gobolka Sool, kaddib markii miino ku dishey laba wiil oo dhallinyaro ah buundada Siixawle oo dhacda duleedka koonfureed ee Yagoori. Qaraxan ayaa maamulka SSC ku eedeeyey Somaliland, ayaga oo sheegay in ciidamadooda ku sugan buuraleyda Dhabansaar ay dhigeen iyagoo ka cabsi qaba in laamiga isku xidha waqooyi iyo koonfur laga qabsado.

Dhinaca Somaliland saraakiil u hadashay oo muuqaalo goobta qaraxa ay ka duubeen soo bandhigay, ayaa sheegay in “kooxo argagixiso ahi ay qaraxa xidhayeen, uuna isla iyagii ku qarxay.” Muuqaalkan oo laga arkayey hilbo googo’an oo tuute ku dhexjiro iyo agabyo kale ayaa maalin kaddib laga saaray tilifishanka Somaliland, taasina waa tan abuurtay shakiga laga qabey in falkani dhinaca Somaliland ka soojeedo.

Saraakiisha SSC oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in Somaliland ay qaraxa xidhay, waxayna ku dareen in haddii SSC ay falkan lahaan lahayd ay buundada jari lahaayeen, balse meesha miinada la dhigay waa waddo u leexata dhinaca galbeed ee ciidamada SSC ay kaga imaan karaan jidka sahaydu u soo marto ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka Laascaanood.

Dhacdadan ayaa ah mid welwel weyn ku keentay guud ahaan bulshada gobolka Sool, khaasatan kuwa degaanka ku ah dhulka haatan dagaaladu kulaalayaan, siiba dadka reer guuraaga ah.

MUQDISHO & MADAX-DHAQAMEEDKA SSC-KHAATUMO

Qaar kamid ah madax-dhaqameedka SSC ayaa todobaadkan ku sugnaa magaalada Muqdisho, wararkoodana aad loo hadal-hayey. Madax-dhaqameedka SSC ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, qaar kamid ah golayaasha dawladda, saraakiisha ciidamada, daneeyayaasha Soomaalida, iyo waliba madax-dhaqameedka koonfurta Soomaaliya.

Si toos ah looma shaacin wadahadalada gaargaarka ah oo warbaahinta looma oggolaan, sidoo kalena Isimada SSC cidna si faahfaahsan uguma ay bayaamin natiijada wadahadalada, waxaa se ilo lagu kalsoonyahay u sheegeen Daljir in dukumentiyo qoraal, maqal iyo muuqaalba leh ay gacanta ka saareen madaxdii qaabishay Isimada SSC-Khaatumo.

In kasta oo ay jireen qodobo la isku maandhaafay oo ay ugu weyned codsi Madaxweyne Xasan Sheekh uu Isimada u soo bandhigay, asaga oo Isimada ka codsaday in ay isu diyaariyaan wadahadal Somaliland oo Jabuuti lagu qabto, ayaanba la isla sugan oo lagu kalakacay. Kalakac maalin kabacdi, waxaa Madaxweynuhu farriin u diray Isimada xilli uu safar u anbabaxay, asaga oo ka codsaday in ay sii sugaan.

Isimada SSC oo la filayo in ay sugayaan soolaabashada Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka soo laabanayo caleemasaarka Madaxweyne Erdogan, oo dhawaan loo doortay Madaxweynaha Turkiga shanta sano ee soo socota, ayaa qaba in aan la fursan doonin inta Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Villa Somalia ay bulshada Soomaaliyeed u caddeeyaan mowqifkooda midnimada Soomaaliya iyo tan dadka iyo degaanada SSC-Khaatumo.

Diiwaanka Wararka | Daljir Media


Asbuucii hore

Todobaadkan iyo halganka SSC-Khaatumo iyo xasiloonida deegaanada la xoreeyey

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: