Todobaadka Caalamiga Ah ee Hal-Abuurka Ganacsiga oo ka Furmay Garowe

Somalia, November 16, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Nov-16-2015  daah furay Shir looga hadlayey Toddobaadka Caalemiga ah ee Hal-abuurka Ganacsiga   kaasoo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Ganacsiga Puntland iyo Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin.
 
Shirka ayaa waxaa sidookale kasoo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi , Xildhibaano, Wasiirro,  Ganacsato  iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo Madasha ka hadlay ayaa Tilmaamay Qiimaha uu leeyahay barnaamijka Hal-abuurka Gacansiga iyo muhiimadda uu u leeyahay Horumarinta ganacsiga Puntland.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidookale Abbaaray in horumarka ay bulsho gaartaayi uu ku xiranyahay Hal-abuurkooda ganacsi ee ay dheer yihiin adduunyada kale loona baahanyahay in marwalba lafdhabar laga dhigto  sidii loo  abuuri lahaa ganacsi cusub.
 
Toddobaadka Caalemiga ah ee Hal-abuurka Ganacsiga ayaa waxa laga xusaa adduunka oo dhan hase ahaatee waa markiii ugu horaysey ee laga xuso gudaha waddanka soomaaliya gaar ahaan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com