Site icon Radio Daljir

Tobanka taangi dagaal ee ugu khatarsan adduunka (sawirro)

Wixii dagaal adduunku soo maray iyo kuwa la qiyaaso in ay dhici doonaan, amaba kuwa hadda socda, la iskuma hayo in taangigu yahay hub kan ugu khatarsan oo lagu dagaalamo. Sidaas darteed asbuucaan waxaan dhegaystayaasha Daljir la qaybsaneynaa 10ka taangi ee adduunka ugu khatarsan.

Isbarbardhigaan waa mid ku salaysan dhibco kala duwan oo ay kamidyihiin xoogga hubka uu ridayo taangigu, shiishka, xawaaraha iyo dhakhsaha uu ku leexan karo, ku istaagi karo ama ku kala jiireyn karo.

Waxaa kale oo dhibcaha isbarbardhigga kamid ah xoogga birta taangiga ama qalfoofka iyo sida xabbadda lidka taangigu ay u kari karto ama aysan u kari karin.

Taangiyadaan ma aha kuwo kala yaraysta, laakiin mid baa aad muhiim u ah, waana tababarka taangiistaha. Sida taangiistuhu u kala fiicanyahay bay mar kasta taangiyaduna u kala fiicnaan doonaan markii dagaal yimaado.

Arag Bogga Xiga …

(1) Taangiga Leopard 2A7 (Germany – Jarmalka)

Taangigaan ma karaan RPG-ga iyo miinooyinka dhulka la dhigo. Waxaa saaran qori aad u xooggan iyo qori hage casri ah. Waa tangi mar kasta tartanka uga dheereeya taangiyada kale, dhan kasta. Shiiskha, xawaaraha iyo tiirada hubkiisa midkoodna ma jiro taangi u soo dhawaada.

Waxaa saaran laba matoor oo diisal oo leh awood dhan 1500 hp. Waa culays badanyahay, laakiin waa dheereeya, dhakhso buu fariin ku qaban karaa, oo hadana dhakhso ku leexan karaa.

Dalka Qadar waxa ay dalbatay 62 Leopard, Sacuudiga asna in ka badan 200 oo isla noocaas ah baa u dalban.

Arag Bogga Xiga …

(2) K2 Black Panther (South Korea – Kuuriyada Koonfureed)

Black Panther waxaa sanceeya Kuuriyada Koonfureed waana taangiyada maanta adduunka ugu casrisan, kana baardheer taangi kasta oo Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi ay la soo shir tagaan ama ku soo dagaal galaan. Intaas kaliya ma aha e waa taangiga adduunka ugu qaalisan.

Ciidamada Kuuriya Koonfureed waxa ay hadda ku hubaysanyihiin 300 ku dhawaad noocaas tangiga Black Panther, waxaan la qorshaynayaa in ay baddalaan dhammaan noocyadii hore ee K1-ka.

Taangiga Black Panther waxba kama tari karto xabadda 120 mm ee laga rido qoriga weyn ee L55, waana isla qoriga uu tangigu ku hubaysanyahay. Intaas kaliya ma aha e haddii sawaariikh lagu soo rido waxa uu leeyahay qalab uu iskaga difaaco oo aanba meel u dhow ku soo dhici karin. Taangiga oo taangi waduhu uusan ka warqabin waxa uu kaligii awood u leeyahay in uu iska difaaco wixii aaggiisa u soo dhawaada, xataa diyaaradaha sida helikobtarka ee ku socda jawi hoose.

Arag Bogga Xiga …

(3) M1A2 SEP (USA – Mareykanka)

Taangigaan Mareykanku waxa uu ku jiraa taangiyada laga baqo, waana mid dagaalo badan soo arkay oo la tijaabiyey. Waa taangi aysan waxba ka tarin dhammaan hubka lala beegsado taangiyada.

Taangiga M1A2 dhanka hubka saaran waa uu ka quwad yaryahay labada kore oo waa ka qori yaryahay, qorigiisuna waa 120 mm/L44 qoriga smoothbore loo yaqaan. Matoorka taangigu waa Gaas Turbo laakiin waa mid cillado badan oo u baahan samays joogto ah.

Ciidamada Mareykanku waxa ay ku hubaysanyihiin ugu yaraan 900 taangi oo noocaan ah, dalalka kaliya ee illaa hadda la siiyeyna waa Kuweyt iyo Sucuudiga.

Arag Bogga Xiga …

(4) Challenger 2 (United Kingdom – Ingiriiska)

Taangigaan waa mid awood buuxda leh oo huwan qalfoofka “Chobham” ee ah difaac taangi kan ugu adag, kana noolaan karaa hub kasta oo lagu garaaco.

Waa taangi ku hubaysan qoriga nooca 120 mm, kana duwan noocyada qoriga “smoothbore” ee badanaa saaran taangiyada adduunku.

Ciidamada Ingiriisku waxa ay ku hubaysanyihiin kudhawaad 400, waxaana soo raaca Cummaan oo haysata 38 isla noocaas ah.

Arag Bogga Xiga …

(5) Armata (Russia – Ruushka)

Taangiga Armata waa noocii ugu danbeeyey ee taangiyada Ruushka, waana mid hawgalaya sannadka 2020-2021.

Weli taangigaan macluumaad badan lagama hayo, laakiin waxaa la qiyaasayaa in uu yahay taangi huwan qalfoof kan adduunka ugu adag oo ka samaysan aaladihii adduunka ugu danbeeyey. Waa taangi iska difaaci kara dhammaan hub kasta oo lala beegsado.

Taangiga waxaa saaran kuruu ka kooban 3 qof oo saddexduba is dhinac fadhiyaan. Xataa haddii qayb taangiga burbur soo gaaro weli kuruugu waa xafidanyahay, waana sii wadi karaan taangiga.

Dhuunta taangigu waa mid kaligeed is jihaynaysa, kuna hubaysan qoriga smoothbore ee 125 mm. Waa taangi ridi kara xabadda lidka taangiga si ka madaxbannaan kuruuga.

Taangiga waxaa saaran matoor diisal oo ah 1200 hp.

Taangigaan markii uu suuqa soo galay waxa uu khlakhal gashay difaaca reer Galbeedka, siiba Jarmalka iyo Ingiriiska, oo isla markiiba bilaabay in ay casriyeeyaan taangiyadooda, si ay uga hortagaan khataraha ka imaan kara taangigaan.

Arag Bogga Xiga …

(6) Merkava Mk.4 (Israel – Yuhuudda)

Taangigaan waxa uu safka hore uga jiraa taangiyada ugu casrisan adduunka. Waa taangi ka duwan kuwa adduunka oo matoorku waxa uu saaranyahay dhanka hore, taas oo kuruuga awood u siinaysa in ay noolaadaan haddii taangiga la dilo.

Waa taangi iska celin kara gantaalada lala beegsado, una dulqaadan kara hubka lidka taangiyada. Qoriga taangigu waa smoothbore 120 mm. In kasta oo matoor weyn uu saaranyahay taangigaan haddan waa mid aad culus, ayna ku adagtahay in in uu dhakhso u leexdo.

Dhanka gadaale waa mid qaadi kara ciidamo dhan illaa 10 ciidan ah.

Ciidamada Yuhuuda waxa ay ku hubaysanyihiin noocaan tiro dhan illaa 400, waxaana u dalban illaa 300 oo kale. Horay cidna loogama gadi jirin taangigaan oo lama dhoofin jirin, laakiin sannadkii 2014 waxaa la sheegay in ay iibsadeen dal aan magaciisa la sheegin.

Arag Bogga Xiga …

(7) Type 90 (Japan)

Taangigaan waxaa sanceeya shirkadda Mitsubishi Heavy Industries oo kaashanaysa kambaniyada Jarmalka ee Krauss-Maffei iyo MaK. Taangigaan lama dhoofin karo maadaama sharciga Japan uusan oggalayn dhoofka hubka.

Waxaan saaran qoriga 120 mm smoothbore, waana mid hubka ridi kara si ka madaxbannaan kuruuga taangiga. Taangigu waa mid loo sanceeyey in uu ciidanka dhulka difaaco ee ma aha mid loogu talagalay in uu taangiyada kale laayo.

Arag Bogga Xiga …

(8) Leclerc (France – Faransiiska)

Taangigu waxa uu hawlgalay sannadkii 1992. Waa taangi macluumaad badan laga bartay, laakiin markii danbe la dhaafay. Waxaa aad loogu isticmaalay hawlgalada nabad-ilaalinta.

Qoriga taangugu waa 120 mm/L52, waxaana taangiga haga kuruu 3 qof ah. Waxaa la sheegaa in taangigaan uu diiradda saari karo, iskana difaaci karo 6 bartilmaameed oo kiiba u jiro 2 KM, waqti ka yar 1 daqiiqo, uuna qiyaastii 95% dili karo bartilmaameed kasta. Waa awood la yaab leh oo dhammaan taangiyada kore oo dhan aysan lahayn.

Ciidamada Faransiisku waxa ay ku hubaysanyihiin illaa 400 taangi oo noocaan ah. Dalka kaliya ee uu ka iibiiyey taangigaan waa Imaaraadka Carabta oo haysta 400 oo kale.

Arag Bogga Xiga …

(9) Oplot-M (Ukraine – Yukreeyn)

Markii uu burburay Isbahaysigii Soofiyeetka, dalka Yukreeyn waxa ay la hartay sancada nooca taangiga T-80UD. Oplot waa T-80 oo la casriyeeyey.

Dhibka taangigaan ayaa ah haddii xabbaddu ay qalfoofka dhaafto ma leh wax kale oo celiya, waxa ayna u tagaysaa hubka saaran oo sii qarxinaya taangiga.

Taangigaan marna sancadiisa lama dhammaystirin lacag la’aan darteed, laakiin dalka kaliya oo gatay ee loo sanceeyey waa Tayland. Waa taangiga kaliya ee dalkii soo saaray uusan ku hubaysneyn.

Arag Bogga Xiga …

(10) 10 T-90 (Russia – Ruushka)

T-90 waa taangiga adduunka loogu isticmaal badanyahay, uguna raqiisisan. Cilladda taangiga waa sida kan kore oo kale oo haddii xabbadu ku dhacdo oo ay gudaha gasho waxa ay qarxisaan hubka saaran taangiga. Taangiyada Ruushka iyo Shiinaha oo dhan waa sancadaas oo kale.

Sideeda kale, taangi la’aan waa dhaamaa!


Dhammaad

Radio Daljir

 

Exit mobile version