Site icon Radio Daljir

Tobanka mas (snakes) iyo abeesooyinka ugu khatartsan Afrika (sawiro)

Qaaradda Afrika waxaa lagu tilmaama meelaha ay ku noolyihiin masaska ugu sun khatarsan dunida, kuwaas oo inta badan ah kuwo magacyo kala duwan loogu yeero khatarteedana leh.

Mas kasta iyo abeeso kastaa waxa ay leedahay cirbad looga hortago qaniinyada sumeysan, sidaas darteed waa muhiim in la kala barto magacyadooda iyo waliba midabada ay leeyihiin iyo dalaalka ay ku noolyihiin.

FADLAN HADDII AAD MASASKAAN IYO ABEESOOYINKAAN MAGACAYADOOD AF SOOMAALI KU TAQAAN NALA QAYBSO.

Maanta idin soo gudbinneynaa halaq-mareenka iyo magacyadooda afka Ingiriiska, iyo waliba xawaaraha ay ku ordaan, dheerarkooda, iyo macluumaad kale oo muhiim ah.

Hadaba Hoos kaga boggo Qoraal faah faahsan 

1. The African black mamba (dendroaspis polyepis)

Maskan waxaa loo yaqaana black mamba snake waxaa laga helaa oo uu ku noolyahay Afrika, gaar ahaan Kenya kaymaheeda, maskan dheerarkiisa waxaa lagu qiyaasay 4.5 meters, xawaaraha socodka ama inta uu jarrayo waa 20KM saacaddii.

Boogga xiga riix

2. Puff Adder ( bitis arietans)

Midka labaad waa puff adder snake waa abeeso iyaduna halistiisa wadata oo Afrika laga helo, isla markaana ka gaaban masaaska qaar, waxaa lagu qiyaasay dherarkeeda 1 meter long (3 feet), waxaana abeesada midabkeeda ay yeelata hadba meesha ay joogto oo way is badbadsha.

Bogga xiga

3. The Gaboon viper/swamp jack ( bitis gabonica)

Midkan waxaa lagu magacaaba Maska Jilicsan waa Mas khatartiisa leh, waxaana la sheegaa qofkuu qaniino in aan la soo rogin, waaana masaaska ugu khatarta baddan Afrika.

Bogga xiga

4. Egyptian cobra(naje haje)

Maska waa Cobra (kobra) oo si wacan u wada naqaan wuxu isna ka midyahay masaska ugu khatarsan Afrika oo dad badan ayaa siyaabo kala duwan u arkay maskan. Waxaa laga yaaba dadka akhristaayasha qaarkood in ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmeen maskan, madaxiisu aadbu u balaranyahay waxaana dhererkiisa lagu qiyaasay 2.4 meters, midab gaar ah oo uu leeyahay majiro maskan oo isna wuu is badbadalaa.

Bogga xiga

5. Saw-scaled viper(echis genus)

Tani waa abeeso waxaa ay iyaduna ku dhex nooshahay ciidda iyado is aasta, lagamana garto ciidda, ayada oo si cajiib ah isugu aasta. Waa mid khatar badan leh oo laga cabsado siiba haddii aad lugaynayso ama aad duur cidlo ah marayso iska ilaali, waliba dhul ciideedka Soomaaliya way buuxda. Dhererkeedu Mitir ma dhama oo waa 90 cm.

Bogga xiga

6. The cape cobra (naja nivea)

Kani waa maska kobrada oo nooc kale ah, ahna mid aad u sun badan, cabsideedna leh hadii uu ku qaniino, waxaaba macquul noqon kara in aan dhakhtar lagula gaarin haddii ay suntiisa kugu tagto. Waa nooc isna is badbadala dhererkiisa waxaa lagu qiyaasay 1.2 meters-1.5 meters.

Bogga xiga

7. The Mozambican spitting cobra (naja mossambica)

kani waa kobra kale oo khatar ah, oo caqli badan ciyaarta iyo gaadmadana ku dheeraysa, kuna badan waddamada Zimbabwe, waqooyiga Namibia and koonfurta Mozambique. Dherarka waxaa lagu qiyaasaa 1.2 meters-1.5 meters.

Bogga xiga

8. The west African brown spitting cobra (naja katiensis)

Tani waa kobra kale oo aan ka yaraysan masaska kale ee dilaaga ah, waxaana la sheegay in sunteeda haddii ay ku gaadho in dawada suntaas laga heli karo dhirta ka agdhow, waana macquul in markaas aad ka badbaado halista sunta.

Bogga xiga

9. The Eastern green mamba (dendroaspis angusticeps)

Tani waa abeeso geed oo geedaha fuusha inta baddan waxaa laga helaa dusha sare ee geedaha, halkaas oo ay ka qaraabato. Waa abeeso jilicsan, waxaana dheraarkeda lagu qiyaasay 2 mitir.

Booga xiga

10. Boom slang (dispholidus typus)

Maskan waa mid aad u dheer wuxuu isku ekaysiiya Midabka geedka uu saranyahay, taas oo khatar badan ka dhalato. Masku waxa uu wax weeraraa markii ay cabsi soo gasho, sidaas darteed haddii  aad gardaraysato way iska ka dhicinayaan. Qiyaasta dhererkiisa waa 1-1.5 meters ilaa 2 meters.

daljir.com kala soco qoraalo waxtar iyo waxbarasho isku biirsaday, waxaana asbuucyada soo socda xoogga saari doonaa waxyaabaha cajiibka ah ama dadku xiisanaynayaan, sida Cayaaraha, Xayawaanadka iyo Aflaanta iyo waliba taarikhdooda.

Diwaanka Wararka Daljir
Maxamed Lakiman

Exit mobile version