Tobaneeyo wasiir oo xilka ka tagay Somaliland

Isniin, Oktoobar 26, 2015 (Daljir) —.Wararka ka imanaya Somaliland ayaa sheegaya inay is casileen illaa sagaal wasiir iyo wasiir ku xigeenno oo ay ku jiraan xubno muhiim ka ahaa dawladda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Xubnaha is casilay waxaa ku jira wasiirkii madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan, wasiirka arrimaha dibedada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid iyo wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdi Aw-daahir.

Waxaa sidoo kale iyaguna is casilay wasiir ku xigeennada bulshada iyo dib u dejinta iyo wasiir ku xigeenka deganaka.

Waxaa sidoo isna is-casilay afhayeenkii madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul

Xubnahan ayaa sheegay in iscasilaaddoodu ka dambaysay makrii sida ay sheegeen uu madaxweynuhu taageeray dhinac ka mid ah dhinacyadii isku hayey loolanka hoggaanka xisbiga Kulmiye.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com