Tirakoobka Itoobiya oo ka biloowdey Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)

Tirakoobka Itoobiya oo ka biloowdey Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)

Guddi ka socda Xafiiska Tirokoobka Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa u ambabaxay gobolada iyo degmooyinka DDS. Xubnaha Guddiga ee u xilsaaran tirokoobida shacabka ku nool guud ahaanka deegaanka Soomaalida ayaa laga soo kala xulay kililada kale ee itoobiya.

Halka kililada kale ay tirokoobayaan maamulka deegaanka oo kaashanaya dowladda dhexe ayaan maamulka kililka Soomaalida wax awood ah ku lahayn tirokooba deegaanka Soomaalida. Lama shaacin illaa iyo hadda sababta aysan Soomaalidu qayb uga noqon tirokoobka deegaanka Soomaalida.

Xafiiska Tirokoobka Itoobiya ayaa sheegay in muddo bil ku siman lagu soo gabagabeyn doono guud ahaanba tirokoobka dalka ka bilaabmay.

Tirokoobka deegaanada Itoobiya ayaa hordhac u ah doorashada soo wajahan ee dalka ee la qorsheynayo in ay qabsoonto sannadka 2021, waana tii ugu horreysay oo la filayo in ay Itoobiya ka dhaco, una dhacdo si xor oo xalaal ah.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com