Tirada Xujayda Soomaaliyeed oo la kordhinayo sanadkaan

Wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta ee xukuumadda faderaalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xassan iyo wasiirka xajka iyo cumrada ee Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin ayaa heshiis ku kala saxiixday wadanka Sacuudiga oo wasiirka uu booqasho ku joogo.

Heshiiska ayaa dhigaya in tirada xujayda Soomaaliyeed ee ah Sagaal kun iyo Sedex Boqol (9,300 ) oo Qof lagu darro Laba kun iyo Sadex Boqol , sidaasina laga dhigo sanadka dambe inay Soomaaliya kasoo xajiso Kow iyo Toban kun iyo Shan Boqol (11,500 ).

Kulanka oo saacado qaatay ayaa diiradda lagu saaray adeegyada lasiiyo xujayda Soomaaliyeed ee deegaanka iyo gaadiidkuba inay noqdaan kuwa dhamaystiran, aadna loo diyaariyay.

Xajka ayaa ka mid ah lixda tiir Islaamka, iyadoo umadda Soomaaliyeed ay %100 islaam yihiin ayaa xajka u ah mid ahmiyad wayn u xambaarsan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com