Tirada guud ee dadkii ku dhintay Badda dhexe ee Mediterranean Sea oo la shaaciyay

Warbixin uu soo saaray Guddiga gargaarka Qaxootiga Dalka Spain ee  marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan CEAR, ayaa waxa ay  shaaciyeen tirada dadkii Tahriibayaasha ahaa ee ku geeriyooday  Badda dhexe (Mediterranean Sea) sanadkan iyo kuwii ka horeeyay .

Ururkan ayaa sheegay in sanadkan 2018 ee sii dhamaanaya oo kaliya ay ku dhinteen Bada 2,241, Qof oo tahriibayaal ah.

,241 Qof ayaa tan iyo 2015-kii ku dhimatay (Mediterranean Sea) Badde dhexe, sida ay war-bixintu sheegtay.

Ku dhowaad, 56,480 Qof ayaa gaaray Xeebaha Dalka Spain, halka Sanadkan 2018-ka oo qura ay 769, oo musaafuriin aan sharci ahay ay ku geeriyoodeen Badda, waa dhimashadii ugu sarreysay tan iyo markii uu Dalkaasi Spain noqday marinka ugu badan ee ay Tahriibayaasha Afrika ka galaan Waddamada Yurub.

Guddiga ayaa sheegay in qul-qulka tahriibta aan lagu xallin Karin wada hadallada Dowladaha ay ka yeeshaan, loona baahn yahay si kale loo wajaho, wuxuuna Gudigu kula taliyay madaxda Yurub in ay joojiyaan caqabadaha ka dhanka ah Qaxootiga.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com