Tirada dhimasho Oo korortay kadib weerar bambooyin iyo rasaaas ah oo ka dhacay Barriga Nigeria.

Lagos, July 08- 2013 – Rag ?la rumaysan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Boko Haram ee dalka Nigeria ayaa la soo sheegayaa in ay dad badan ku laayeen gobolka woqooyi Bari ee dalkaas, waxaa dhintay in ka badan 40 qof oo dhamaantood la laayey.

Macalimiin, Arday, ?shaqaale gargaar iyo dad kale oo rayid ah ayaa la sheegay in ay ka kooban yihiin wadarta dadka la dilay, afhayeen u hadlay dowlada Nigeria wuxuu sheegay cadad gaaraya 20 ruux in ay dhinteen balse tirada rasmiga ah ee wakaaladaha caalamiga ah baahiyeen waxaa lagu sheegay 42 ruux.

Kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram ee dalka Nigeria ayaa inta badan dilal iyo dagaalo ka geysta gobollada dalkaas qaarkood, gobolka woqooyi Bari ee Nigeria wuxuu ka mid yahay meelaha ugu daran ee inta badan ay howgalada ka fuliyaan islaamiyiinta mayalka adag.

Dablayda hubaysan ee loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin Boko Haram waxay tureen Bambooyin kadibna waxay fureen rasaas fara badan taasi oo keentay in dad badan dhintaan, Mr. Haliru Aliyu oo ka mid ah dhakhaatiirta cisbitalka Potiskum ee ku yaala gobolka xaaladu ka dhacday ayaa sidaasi sheegay.

?Waxay aheyd xilli adag in aan dareenkeyga cabiro, waayo niman hubeysan ayaa si kadis ah goobta waxbarsho iyo isbitaalka u soo galay iyagoo anan cidna la hadlin waxay bilaabeen in bambaanooyin ay tuuraan kadibna xabado ay fureen?waxaa yiri Haliru Aliyu

40 ayey kor dhaafeen dhaawacyada ka dhashay weerarkaasi sida uu sheegay Dr. Aliyu, sidoo kale warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee dalkaasi Nigeria ayaa iyaguna baahiyey tiro midaasi la mid ah, waxaana la sheegayaa in khasaaraha dhimasho ay sii kordhi karto mar kasta,.

Meleteriga Nigeria ayaa la sheegay in khamiistii ay gobolka ka fuliyeen weerar ay ku dilen ?22 dagaalyahan oo ka tirsan Boko Haram, waxaa la soo sheegayaa in kooxdu ay aar gudasho u dishay dadka shacabka ah maadama iyaga horey looga dilay dagaal yahano fara badan oo gobolkaasi uga howlgeli jiray.

Boko Haram waxaa yoolkoodu yahay in ay dagaal culus la galaan mar kasta maamulka Lagos, waxaana sidaasi ay horey u sheegeen dhowr jeeer, waxaase ilaa hadda aysan kooxda Boko Haram ka hadlin dadka lagu laayey gobolka woqooyiga Bari ee dalkaasi Nigeria,? in kastoo eedeynta ugu badan ee xukuumada iyo falanqeynta saxaafada ay ku dhacayso kooxda.

Dowlada Nigeria ayaa sheegtay in Boko Haram ay tahay argagixisada ugu weyn ee Al-qaacida xiriirka la leh ee sugan galbeedka Afrika, dadka ku nool Nigeria oo ka kooban Mislimiin iyo Masiixiyiin ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal diimeed meel xun gaaray, taas oo keentay inay xoogeystaan weerada ku saleysan diimaha ee dadka reer Nigeia dhexmara.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com