Tirada Ciidamada Somaliland ee dhagaxa lagu dilay oo ka badan toban qof (daawo)

Tirada Ciidamada  Somaliland ee dhagaxa lagu dilay oo ka badan toban qof (daawo)

Taliye kuxigeenka ciidamada booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo uu wehliye taliyaha qaybta gobolka Togdheer Axmed Aw- Cali Shabeel ayaa deegaanka Jablaha degmada Faqaayubi ee gobolka Toghdeer kula hadlay warbaahinta, waxaana ay faahfaahiyeen fal lagu dilay askari ka mid ahaa booliska Somaliland oo lagu magacaabi jiray marxuum Kayse Maxamed iyo dhaawaca laba askari, kuwaasi oo weerarkooda dilka iyo dhaawaca isugu jira lagu fuliyay dhagxaan.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Togdheer ayaa sheegay in ciidamada ay udireen howlgal, si’ ay uga hortagaan kooxo abaabulan oo weeraray shirkado ganacsi oo ku yaala deegaankaasi, ciidamada ayaa lagala horyimid dhagax, waxaana ku dhaawacmay laba askari oo midkood uu u geeriyooday dhaawac dhanka maskaxda kasoo gaaray, xilli ay iyaguna hubaysnaayeen oo ay ka falcelin.

Taliye kuxigeenka booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in tirada ciidamada booliska Somaliland ee weerarka lagu dilay yihiin toban ruux, sidoo kalle intaasi ka badana lagu dhaawacay.

Waxaa uu xusay xeerarka ciidamada inuu ogolyahay inay isdifaacaan, balse ay ciidamadu ka door bideen wadaniyadda iyo shacabkooda inay wax yeeleen.

Taliyaha ayaa xusay shacabka inay ka waantoobaan falkaasi oo ay askartooda dhagxayn.

Hoos kadaawo.

Tirada Ciidamada Somaliland ee dhagaxa lagu dilay oo ka badan toban qof (daawo)

Posted by Radio Daljir on Monday, June 17, 2019

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com