Tirada askartii ku dhaawacantay qaraxii saakay ka dhacay degmada Mandheera oo sii korortay.

Mandheera, Nov, 24 ? Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya khasaarihii ka dhacay qaraxii ka dhacay degmada Mandheera ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya, ayaa ku waramaya in tirada dhaawacu xilligaan ay marayso illaa askari oo ka tirsan ciidanka milatariga dalka Kenya, sida ay warbaahinta Kenya u sheegeen saraakiisha militariga dalka Kenya ee ku sugan magaalada Mandheera.

Dadkii ku dhaawac-may qaraxaasi ayaa lagu soo waramayaa qaar-kood in dhaawacyadooda loola cararay dhanka magaalada Nayrobi ee caasumada dalka Kenya, waxaana xilligaan socda baaritaano ay halkaasi ka wadaan laamaha ammaanka dalka Kenya.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in goobta uu qaraxu ka dhacay ay isku waydaarsadeen rasaas ciidamo ka tirsan kuwo booliska Kenya, iyo rag hubaysan oo aan haybtooda lagaranayn, waxaana isla xilligii goobta ka baxsaday ragaasi.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com