Tartan loogu tala galay is-dhex galka dhalinyarada koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo oo maanta ka furmay garoonka Cawaale. Tartan loogu tala galay is-dhex galka dhalinyarada koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo oo maanta ka furmay garoonka Cawaale.

Gaalkacyo, Sep 13 – Tartankan oo loogu magac daray koobka dhalinyarada is-dhex galka da’ yarta ee koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo oo da’doodu tahay 12 jir ilaa 14 jir ayaa galabta si habsami leh oga furmay garoonka Cawaale, waxaana ku tartamayay 8 kooxood.
?
Furitaanka tartankan waxaa ka qayb galay labada maamul ee Sportska iyo dhalinyarada, boqolaal qof oo u badan dadka daneeya ciyaaraha waxaana si weyn loogu riyaaqay magaca uu u huwan yahay ee is-dhex galka dhalinyarada da’ yartaa ee Gaalkacyo si ay u sameeyaan is-dhex gal iyo jacayl dhexdoodaa.
?
Ugu horayn waxaa furitaanka ka hadlay qaban-qaabiyaha tartankan C/qani Khaliif (Carabeey) oo ah muwaadinkii lahaa fikirka ay ku kulmayaan dhalin-yarada, C/qani ayaa taageero ka helay ururka Puntland Sports Ilusted oo masuul uu ka yahay Axmed Nuur Ciise oo ka mida qurba joogta Puntland ee Miniapolis oo ah muwaadinka kaliya ee ballaan qaaday inuu gacan dhaqaale iyo mid fikirba ku yeelan doono tartankan, isagoo dhanka isgaarsiinta kaga qayb galay furitaankii tartankan si uu u baraarujiyo dhalinta ku bara-tamayso wuxuuna u iftiimiyay qiimaha uu leeyahay Sportska ayna tahay mida kaliya ee ka qayb qaadan karta midaynta bulshada.
?
Gudoomiyaha dhalinyarada & ciyaaraha gobolka Mudug ee dhanka Puntland C/hodan dayax leef oo isaguna garoonka ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyay qaban-qaabiyaha tartankan qiimaha leg wuxuuna ku dhiiri galiyay inuu sii ballaariyo dadaalkan caynkan oo kalaa, isagoo dhanka kalana dhalinta ka qayb galaysa ku booriyay inay muujiyaan, wuxuu si gaara fariin taageero oo dhanka dhalinyaradaa u diray ururka Puntland Sports Ilusted oo gacan ka gaysanaya hir-galinta tartankan.
?
Gudoomiyaha dhalinyarada & ciyaaraha Gal-mudug Ayaanle C/laahi Ducaale ayaa barnaamij muhiima ku tilmaamay tartankan wuxuuna si weyn u amaanay cid kastoo gacan ka gaysatay, isagoo dhalinyarada da’ yartaa ku booriyay inay sameeyaan dadaal la gacan qabo karo oo bidhaamiyo hormar iyo is-dhex gal bulsheed.
?
Tartankan oo maanta lagu furay group A ayaa lagu bilaabay kooxda New suxufi iyo kooxda Ex wada-jir waxaana ciyaartaasi ay ku idlaatay 2–1 oo guusha ay ku raacday kooxda News suxufi, tartankan ayaa la ciyaari doonaa maalmaha Khamiista iyo jimcaha si dhalinta aysan oga mashquulin waxbarashada caadigaa, tartankan ayaa socon doona muddo bil iyo bar ah.
?
Diiwaanka Wararka Daljir
?
(S)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com