Tartan kubadda cagtaa oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo(Sawirro)

?

Gaalkacyo, April 16- Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan garoonka ciyaaraha ee GECPD waxaa lagu soo afmeeray tartan kubadda cagtaa oo u dhexeeyay saddex degmo oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galguduud.
?
Tartankan oo socday muddo ku dhaw toddobaad waxaa qorshihiisii hore uu ahaa inay ka soo qayb galaan deegaano ay kala maamulaan puntland,Galmudug,Ximin iyo xeeb iyo ASWJ, balse markii ay isaga baxday kooxdii matali lahayd Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo ayaa loo qabtay degmooyinka Gaalkacyo,Cadaado iyo Caabudwaaq.
?
Ciyaartii kama danbaysta ahayd ayaa waxaa shalay galab ku kala baxay degmooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado oo guusha ay ku raacday 3-0, gabagabada tartankaasi waxaa xalfad lagu soo gunaanudayay ka soo qayb galay wasiirka ciyaaraha Puntland,masuuliyiin ka socday Ximin iyo xeen iyo sidoo kale madax xiriirada ciyaaraha Soomaaliyeed.
?
Wasiirka Sh.Sh.Dh iyo ciyaaraha Puntland C/wali Xirsi C/dulle (Indha guran) oo munaasabadda xiritaanka ciyaaraha ka hadlay ayaa sheegay inay siii ballaarinayaan barnaamijyada la xiriira isdhex galka dhalinyarada ayna kor u qaadayaan xirfadda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo lafdhabar u ah hormarka bulshada.
?
Sidoo kale waxaa iyaguna hadalo bogaadin iyo dhiiri galin u badan jeediyay masuuliyiin ka socday maamulka Ximin iyo xeeb,gudoomiyaha gobolka Mudug iyo xubno kale oo dhanka ciyaarahaa.
?
Munaasabadda oo bilado sharaf la guddoonsiiyay degmadii tartanka qaaday,kaalinta 2aad,xidigga tartanka iyo ciyaariyahankii goolkii ugu horeeyay shabaqa ku riday ka dib waxaa munaasabadda laga wada sheegay in la sii hormariyo barnaamijyada isku soo dhaweynayo ayna isku baranayaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
?
Idaacadda daljir ayaa iyaduna dhankeeda kubado ku wareejisay masuuliyiintii ka socday Ximin iyo xeeb iyadoo sidoo kalana daljir ay waddo qorshayaal ballaarin oo qalab ciyaareed ku siinayso bahda ciyaaraha.
?
Si kastaba tartankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo noociisaa oo kalaa oo lagu qabto magaalada Gaalkacyo, waxaana haddii tartamada noocaan oo kalaa ay sii socdaan ka dhalan doonto in dhalinyaradu ay niyad saafiya u hayaan xirfadda kubadda cagta isdhex gal iyo isbarashana ay sameeyaan.
?
Diiwaanka Wararka daljir
Gaalkacyo
(S)
?
Daawo sawirada.
?
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
?
Sawir qaade Silver
?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com