Tarsan “Qaramada Midoobay cunaqabataynta hubka hanaga qaaddo si aan argagixisada uga adkaanno”

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay baahi weyn u qabto in laga qaado xayiraadda hubka ee saaran si ay uga adkaato kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ka wada Soomaaliya iyo gobolka bariga Afrika.

Wareysi uu siiyay Wargeyska Standard ee ka soo baxa dalka Kenya Axaddii, ayuu danjire Tarsan ku sheegay “Waxaa jira dadaallo badan oo ay ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ay wadaan si ay guulo u gaaraan. Laakin ciidankeennu waxa uu u baahan yahay hub horumarsan iyo tababar. CIidankeenu waxa ay haystaan hubka ay haystaan kooxada AL-Shabaab oo kale, haddaba sideen u noqon karnaa kuwa guulaysta?”

“Tusaale, Mareykanka -oo haysta ciidanka ugu xooggan uguna qalabka fiican adduunka- ayaa kula dagaallamaya Daalibaan dalka Afghanistaan 17 sano, laakin ma aysan ka guulaysan wali, ayagoo xataa ka hub sarreeya, Marka sideed uga rajaynaysaa dowladda Soomaaliya oo ay saaran tahay cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay in ay si xoog leh ula dagaasho Al-Shabaab”.

“Waxay la mid tahay in ay gacmaha naga xireen, kaddibna -caalamku- noo sheegayo in aan la dagaallano Al-Shabaab.

Mar la waydiiyay sida ay dowladda Soomaaliya u aragto ka bixidda ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayuu danjire Tarsan yiri “Aragtideennu waa in haddii ciidanka AMISOM ay baxayaan lagu beddelo ciidanka Soomaaliya oo aad u tababaran, una hubeysan. Caqabaddu waxay tahay, beesha caalamka ayay ahayd in ay naga caawiyaan tababarka iyo qalabaynta 30 kun oo ciidanka XDS ah marka ay AMISOM dalka ka baxayso 2021-da, laakin taasi ma socoto hadda. Waxay la micno tahay ciidanka XDS hadda ma buuxin karaan kaalintaas”.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com