Talye kuxiggeenka ciidanka booliska Puntland Col: Muxiyadiin Axmed Muuse oo ka warbixiyay hawlgalladii ciidanka ee Gaalkacyo.

Gaalkacyo, Aug 08 – Taliye Ku xiggeenka booliska Puntland Col: Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa markii ugu horaysay ka warbixiyay Hawl-galladii bishii ugu danbaysay ay ciidanka ammaanka ee Mudug iyo ciidamo uu hoggaaminayay oo is kaashanaya ay ka wadeen gudaha magaalada, kuwaasoo lagu xasilinayay nabad-galyada.

Taliye kuxiggeenka oo shir-jaraa’id warfidiyeennada ugu qabtay xabsiga weyn ee Gaalkacyo ayaa sheegay inay meel wanaagsan u marayaan hawl-galladii lagu sugayay amniga,? ayna ku guulaysteen qab-qabashada dad badan oo lagu tuhmay xasilooni-darada qaarkoodna la sii daayay markii wax lagu waayay, qaar kalana ay hadda ku jiraan xabsiyada Gobolka.

Taliyaha ayaa shirkiisa waxaa uu si kulul ugu soo hadal qaaday dilalka qorshaysan ee ka dhacaya magaalada Gaalkacyo oo lagu ugaarsanayo dadka indheer-garadka ah,? waxaana uu ku eedeeyay inay ka danbeeyaan kooxo gacan saar dhaw la leh Al-shabaab, ayna taageero ka helaan dad reer Puntland oo uu ku tilmaamay wax ma garato.

Col:? Muxiyadiin ayaa tilmaamay inaysan haba-yaraatee aysan ku guulaysan karin amniga Gaalkacyo haddii aysan shacabku la shaqayn Hay’adaha amniga,? wuxuuna ku baaqay inay reer Gaalkacyo la shaqeeyaan ciidanka si loo suga amniga,? loogana guulaysto kooxaha dhameeyay dadka muhiimka u ah bulshada gobolka Mudug.

Shirkaan uu taliye kuxiggeenka booliska Puntland Col: Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa ku soo aadaya xilli bil ka-hor magaalada Gaalkacyo ay soo gaareen ciidamo ka socda dawladda Puntland,? kaddib markii uu faraha ka baxay amniga Gaalkacyo, ayna dhaceen dilal iyo qaraxyo lagu waxyeeleeyay saraakiil Maamul iyo dad Shacaba intaba.

C/risaaq Cali Silfar.

Radio Daljir Galkacyo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com