Talyaha qaybta gobolka Mudug Dhay-lo?aad oo sheegay in wiil dhalinyaro ah oo sitay wal-xaha qarxa askari ka tirsan ciidanku uu ku toogtay halka lagu magacaabo Halabookhad ee duleedka Gaalkacyo.

Gaalkacyo, Dec, 17 ? Talyaha qaybta gobolka Mudug G/sare C/rashiid Cadceed Geele ?Dhay-lo?aad? ayaa Radio Daljir u xaqiijiyay in deegaanka Halabookhad ee duleedka Gaalkacyo askari ka tirsan ciidanku uu ku maantay ku toogtay wiil dhalinyaro ah oo sitay waxyaabaha qarxa iyo bistoolad.

Talye Dhaylo?aad ayaa intaasi ku daray in arrintaan ay ka dambaysay kaddib markii askarigaasi oo ku sugnaa deegaanka Halabookhad uu la kulmay wiil-kaan dhalinyarada ah oo rabay inuu dhulka ku aaso waxyaabaha qarxa, balse askarigaasi uu rasaas la beegsaday. Sida uu hadalku u dhigay talyaha qaybta booliska gobolka Mudug G/sare Dhay-lo?aad.

Dhaawaca soo gaaray askariga ayaa talyuhu ku micneeyay inay ka dambaysay isna kaddib markii uu wiil-kaasi dhalinyarada ah sameeyay iskacaabin xooggan. Walloow dabeed uu dhintay.

Maydka wiilkaasi dhalinyarada ah ayaa la keenay sida wararku ay tilmaamayaan isbitalka dhexe ee magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale xilligaan isbitaalka lagu daawaynayaa dhaawicii soo gaaray askarigaasi ciidanka ammaanka gobolka Mudug.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com