Taliyihii qaybta bilayska gobolka Nugaal Col. Cismaan Xasan Cali Cuuke oo loo baddalay gobolka Bari.

Bossaso, Sep 29 ? Taliyihii qaybta bilayska gobolka Nugaal Col. Cismaan Xasan Cali Cuuke ?Afdalaw? ayaa loo wareejiyey qaybta bilayska ee gobolka Bari sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareeddo kala duwan oo ka tirsan hay?adda dawladda gaar ahaanna kuwa amniga.

Wareejinta taliyaha, ayaa timid kaddib markii uu shalay is-casilay taliyihii qaybtaasi gobolka Bari Col. Axmed Ganni Cali Shire, kaasoo dhawaan xilka loo magacaabay, qaybna ka ahaa is-baddal iyo isku-shaandhayn lagu sameeyey taliyayaasha bilayska ee qayabaha iyo saldhigyada gobollada Puntland qaarkooda.

Ma cadda sababta keentay baddaalaadda taliyaha, mana jiro wax qoraal ah wali war-baahinta la soo gaarsiiyey oo muujinaya duruufaha keenay arrinka, waxaana dhinaca kale aan wali lagu dhawaaqin taliye-qaybeedka cusub ee gobolka Nugaal uu yeelan doono.

Col. Cismaan Xasan Cali Cuuke, waxaa uu muddooyinkii ugu dambeeyey ahaa taliyaha qaybta bilayska ee gobolka Nugaal oo uu ku yimid baddal kan oo kale ah oo laga soo baddalay gobolka Bari.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com