Taliyihii hore qaybta booliska gobolka Bari oo wali aan wareejin gaadiidkii dowladda (daawo)

Taliyihii hore qaybta booliska gobolka Bari oo wali aan wareejin gaadiidkii dowladda (daawo)

Taliyihii hore qaybta booliska ee gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo ka mid noqday golaha wakiilada Puntland dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ayaan ilaa iyo hadda wareejin xilkii iyo gaadiidkii booliska ee gobolka Bari, arrintaasi oo siwayn ay isu waydiinayaan shacabka Puntland.

Taliyaha guud ee booliska Puntland Gen. Muxyadii Axmed Muuse oo saxaafaddu ay waydiisay gaadiidka dowladeed ee la sheegay in taliyaha uu wali haysto, dibna aan ugu soo wareejin guddiga nabad galyada ee gobolka Bari ayaa ku jawaabay in taliyihii hore oo hadda ka mid ah golaha wakiilada Puntland la sugayo inuu soo celiyo gaadiidkaasi.

 

Bishii Febraayo ee sanadkii lasoo dhaafay guddiga nabadgalyada ayaa ku eedeeyey xildhibaan Cabdixakiin Yuusuf Xuseen inuu gaadiidkii dowladeed uu gurigiisa iska dhigtay, taasi oo ay sheegeen inay saamayn ku yeelatay ammaankii booliska ee gobolka Bari.

Hoos ka akhriso go’aan guddiga ay xiligaasi soo saareen, inkastoo maalmo kadib madaxwaynihii hore Puntland oo ka duulayay eedaasi iyo shaqo joojin guddiga uu xilkii ka qaaday duqii hore ee degmada Bosaso.

Taliyaha booliska Puntland oo la waydiiyay gaadiid uu wareejin taliyihii hore booliska gobolka Bari, haddana ah xildhibaan

Taliyaha booliska Puntland oo la waydiiyay gaadiid uu wareejin taliyihii hore booliska gobolka Bari, haddana ah xildhibaan

Posted by Radio Daljir on Thursday, February 14, 2019

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com