Taliyihii hore NISA Sanbaloolshe oo ka hadlay doorashada looga adkaaday

Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa ka hadlay doorashadii shalay kadhacday magaalada Jowhar ee looga guulaystay, kadib markii uu u tartamay kursi ka mid ah aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe in doorashadaasi in looga adkaado ay sabab u ahayd faragalin ay dowladda ku samaysay iyo guddiga doorashooyinka oo aan u shaqayn hab cadaalad ah.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in dowladda ay lacag ku bixinaysay musharax Nuur Iidow Bayle oo xilkan uga guulaystay, dhanka kallena waxaa uu sheegay inuu ku qanacsanyahay doorashada oo uu aqbalay natiijada.

Doorashada kursi katirsan aqalka hoose ee shalay kadhacday Jowhar waxaa ku guulaystay Nuur Iidow Bayle, waxaana la tartamay lix musharax oo doonayay inay kursigaasi ku guulaystaan.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com