Taliyihii Ciidamadda difaaca  Ethiopia oo la dilay & RW Abiy oo xaqiijiyeey

HomeWararka

Taliyihii Ciidamadda difaaca Ethiopia oo la dilay & RW Abiy oo xaqiijiyeey

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xaqiijiyay in taliyaha ciidamada Difaaca ee dalkiisa General Seare Mekonnen lagu dilay magaalada Bahir Dar

Madaxweyne Deni oo shacabka Garoowe kula tukaday salaadii ciida garoonka kubada cagta
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Booliska Faransiiska oo gaaska dadka ka ilmaysiiya u adeegsaday dibadbaxyadii ugu xooganaa ee Paris

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xaqiijiyay in taliyaha ciidamada Difaaca ee dalkiisa General Seare Mekonnen lagu dilay magaalada Bahir Dar.

Mr Abiy oo telefishinka ka soo muuqday isagoo xiran dareeska ciidamada, ayaa sheegay in dhowr sarkaal oo kale lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahir Dar.

Dowlada Itoobiya ayaa ku tilmaantay weerarka ka dhacay Bahir Dar inuu ahaa afgambi fashilmay.

Wararkuna waxay sheegayaan in khadka internet-ka ee dalku uu go’an yahay.
Wasaaradda arrimaha dibaddda Maraykankuna waxa ay sheegtay in ay ka warhayso wararka ku saabsan rasaas ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Mr Abiy ayaa sheegay in taliyaha ciidamada ay soo weerareen qolo uu ku tilmaamay “calooshood u shaqaysteyaal”.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha Amxaarada la laayey xilli ay shir ku jireen, waxa uuna sheegay in “saaxiibadood” ay laayeen.

Afhayeenka Mr Abiy Negussu Tilahun ayaa goor sii horraysay sheegay in qolyihii afgambiga soo abaabulay ay doonayeen in ay xilka ka tuuraan Ambachew Mekonnen, oo ah madaxweynaha gobolka Amxaarada.

War qoraal ah oo kasoo baxay, xisbiga xukuma gobolka Amxaarada ayaa qalalaasaha dhacay ku eedeeyey taliyihii hore ee ammaanka oo Mr Abiy markuu xukunka qabtay uu jeelka ka sii daayey.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: