Taliye kuxigeenkii ciidamada xoogga oo iscasilay

Taliye kuxigeenkii ciidamada xoogga oo iscasilay

Taliye kuxigeenkii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeya Guuto Maxamed Cali Bariise ayaa sheegay in uu laba maalin ka hor uu iska casilay xilkii uu hayay.

sabbata ayuu ku sheegay,kadib markii uu arkay marxalada difaaca adag ee uu dalka marayo, faragelinta siyaasadeed ee joogtada lagu haayo ciidanka uu go’aansaday inuu xilka iska casilay.

Akhriso.

“Waa markii lixaad uu madaxweynuhu isbaddel ku sameeyo hoggaanka ciidanka. Sax maaha in ciidanka beddelaad joogta ah lagu sameeyo, marna loo hanjabo, marna hawlo farsamo, diiwaan gelin iyo fayl u samayn, xafiisyada madaxda looga dhex faano” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Valueimpression Placeholder

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ciidanku uu u baahanyahay dhiira gelin iyo lagu booqdo furimaha dagaal, si joogto ahna looga warqabo qoysaskooda.

“Ciidanku wuxuu u baahanyahay in la dhiirrigeliyo, loo muujiyo hoggaan, lagu booqdo farumaha dagaalka, laga warqabo qoysaskooda, loo diro aqoon kororsi, laguna abaalmariyo naf huristooda” ayuu Cabdiraxmaan sii raaciyey qoraalkiisa.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com