Taliye Ku-xigeenka NISA iyo Maareeyayayaasha Garoonka iyo Dekedda Muqdisho oo La Magacaabay

Taliye Ku-xigeenka NISA iyo Maareeyayayaasha Garoonka iyo Dekedda Muqdisho oo La Magacaabay

Waxaa goordhaw la magacaabay Taliye kuxigeenka Hay’ada nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliya iyo Maareeyayaasha dekadda iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Taliye ku-xigeenka Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa loo magacaabay Cabdifitaax Ibraahim Sambriye (Shaaweeye) oo ahaa sargaal katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida horeyna xilal kala duwan usoo qabtay.

Dhanka kalena ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Maareeyaha Dekadda Muqdisho iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana xilalkaasi loo magacaabay masuuliyiin kale.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in maareeyaha dekeda Muqdisho loo magacaabay Axmed Maxamed Maxamuud Washington, halka Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde loo magacaabay Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) oo aad ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Said Abdi Said 7 years ago

    NISA runtii howl adag ayey ka hayaan dalka gaar ahaan caasimada allaha la garab galo dhmaan umada somaaliyeedna dhibka allaha ka qabto

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com