Taliye Fu’aad Xanaano: “10 Burco ka Timid oo Daacish ah Baan Hadda Bossaso u Gudbinay”

Taliye Fu’aad Xanaano: “10 Burco ka Timid oo Daacish ah Baan Hadda Bossaso u Gudbinay”

Ciidamada Daraawiishta Puntland ee deegaanka Cawsane ee Gobolka Haylan ayaa gacanta ku dhigay 10 qof oo u socday kooxda Daacish ee ku sugan Buuraha Calmadow.

Taliyaha aagga ayaa Daljir u sheegay in dadkan ay qabteen ciidamadu ay ka yimaadeen deegaanka loo yaqaan Beer ee Burco waxayna ahaayeen 8 rag ah iyo 2 dumar ah kuwaas oo hadda loo soo gudbiyay xabsiga argagixisada ee magaalada Bosaaso.

Fu’aad Warsame oo ku magacdheer “Xanaano” waa Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Puntland ee jiidda hore ee deegaanka Cawsane. Waxa uu u waramay wariye Xasan Heykal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 3
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com