Taliye Cabdishukri: ”Puntland waxa ay galaysaa dagaal lagu difaacayo midnimada laguna soo celinayo dhulka maqan” (dhegayso)

Taliye Cabdishukri: ”Puntland waxa ay galaysaa dagaal lagu difaacayo midnimada laguna soo celinayo dhulka maqan” (dhegayso)

Muddo ku siman sagaal bilood deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxaa isku horfadhiya ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland ayaa maanta waxaa hadana markale dagaal ku dhawaaqay dowladda Puntland iyo taliyaha cusub ee Ciidamada Difaaca Puntland Sarreeye Guuto Cabdi Shukri Cabdilaahi.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ay u diyaar garobaan dagaal lagu soo celinayo dhulka maqan laguna midaynayo shacabka Puntland.

Hadalkan ayuu taliyaha ka sheegay xili shalay uu xilka kala wareegay taliyihii hore ee ciidamada Daraawshta Puntland  Siciid Dheere.

Ma kala cadda iyo warka taliyuhu yahay isla kii hore ee taliyayaashii ka horreeyey, mid khuseeya doorashooyinka Puntland, iyo in uu yahay hadal dhab ah oo hawshiisa wata.

Daljir kala soco oo hoos ka dhegayso Taliyaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com