Site icon Radio Daljir

Taliye Afdalow “Isma Casilin ee Shaqo ka Fariisin ayaa la Igu sameeyey!” (dhegayso)

Taliyaha qaybta bilays gobolka Mudug ee Puntland Col. Cismaan Xasan Cali Cowke ‘Afdalow’, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar warbaahinta qaarkeed ay daabaceen oo sheegayey in uu iscasilay.

Taliye Afdalow, ayaa sheegay in aysan jirin wax iscasilaad ah oo xaggiisa ka timid, hadal iyo qoraal toona, balse wuxuu sheegay in shaqo ka fariisin lagu sameeyey, taasoo ka timid taliyaha guud ee ciidanka bilayska Puntland Gen. Cabdiqaadir Shire Faarax ‘Erag’.

Taliyaha qaybta bilayska ee gobolka Mudug Col. Cismaan Xasan Cowke oo wareysi gaar ah siiyey Radio Daljir, ayaa xusay in uu u aqbalay amarkii shaqo ka fariisinta ahaa ee taliyaha bilayska Puntland, shaqadiina uu ku wareejiyey taliye kuxigeenkiisii sida amarku farayey, balse wuxuu tilmaamay in uusan weli garawsanayn sababo cadcad ama muuqda oo shaqada looga fariisiyey, uuna ku mutaysan karo tallaabadaasi.

Taliye Afdalow, waxaa dhinaca kale uu sheegay shaqo ka fariisintiisu in ay ku soo beegantahay xilli aan munaasib ahayn, hawlo badan oo qabyo ahna ay gobolka ka socdaan, lehna kuwo amniga quseeya iyo kuwo mashaariiceed oo isla gobolka ah, sida uu sheegayna uu ahmiyad illaalineed oo weyn ku lahaa dhawristooda iyo dhaqangelintooda si aysan u xagal-daacin.

Taliyaha qaybta bilayska ee gobolka Mudug Cismaan Xasan Cali ayaa muddo kooban oo bila ah hayey xilka taliyaha qaybta, waxaana uu horay u ahaa taliyaha ciidanka Birmadka Puntland, xilkaasi oo laga qaaday kadib markii dagaal gacan ka hadal ahi uu dhexmaray isaga iyo taliyihii bilayska Puntland ee xilligaas Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf ‘Afguduud’, gacan ka hadalkaasi oo sababay taliye Afguduud laftigiisana in xilkii laga qaado.

Halkan hoose ka dhegayso wareysiga

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/59124ec60b0100e87d91f6f2/Talliyaha+Qaybta+Bilayska+goblka+Mudug+Cismaan+Afdalow%2C+09_May_2017.+Geeddi.mp3?_=1
Exit mobile version