Taliye Afdalow “Isma Casilin ee Shaqo ka Fariisin ayaa la Igu sameeyey!” (dhegayso)

Taliye Afdalow “Isma Casilin ee Shaqo ka Fariisin ayaa la Igu sameeyey!” (dhegayso)

Taliyaha qaybta bilays gobolka Mudug ee Puntland Col. Cismaan Xasan Cali Cowke ‘Afdalow’, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar warbaahinta qaarkeed ay daabaceen oo sheegayey in uu iscasilay.

Taliye Afdalow, ayaa sheegay in aysan jirin wax iscasilaad ah oo xaggiisa ka timid, hadal iyo qoraal toona, balse wuxuu sheegay in shaqo ka fariisin lagu sameeyey, taasoo ka timid taliyaha guud ee ciidanka bilayska Puntland Gen. Cabdiqaadir Shire Faarax ‘Erag’.

Taliyaha qaybta bilayska ee gobolka Mudug Col. Cismaan Xasan Cowke oo wareysi gaar ah siiyey Radio Daljir, ayaa xusay in uu u aqbalay amarkii shaqo ka fariisinta ahaa ee taliyaha bilayska Puntland, shaqadiina uu ku wareejiyey taliye kuxigeenkiisii sida amarku farayey, balse wuxuu tilmaamay in uusan weli garawsanayn sababo cadcad ama muuqda oo shaqada looga fariisiyey, uuna ku mutaysan karo tallaabadaasi.

Taliye Afdalow, waxaa dhinaca kale uu sheegay shaqo ka fariisintiisu in ay ku soo beegantahay xilli aan munaasib ahayn, hawlo badan oo qabyo ahna ay gobolka ka socdaan, lehna kuwo amniga quseeya iyo kuwo mashaariiceed oo isla gobolka ah, sida uu sheegayna uu ahmiyad illaalineed oo weyn ku lahaa dhawristooda iyo dhaqangelintooda si aysan u xagal-daacin.

Taliyaha qaybta bilayska ee gobolka Mudug Cismaan Xasan Cali ayaa muddo kooban oo bila ah hayey xilka taliyaha qaybta, waxaana uu horay u ahaa taliyaha ciidanka Birmadka Puntland, xilkaasi oo laga qaaday kadib markii dagaal gacan ka hadal ahi uu dhexmaray isaga iyo taliyihii bilayska Puntland ee xilligaas Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf ‘Afguduud’, gacan ka hadalkaasi oo sababay taliye Afguduud laftigiisana in xilkii laga qaado.

Halkan hoose ka dhegayso wareysiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 8
  • Bile Xarawe 7 years ago

    Asc daljir gobolkaan mudug malaha hormar lagama rabo sababtoo ah in taliye maalin Kasta la badalo waa Dib ugarasho iyo hormar la aan

  • Cidii sharciga baalmarta shaqada waa laga jojinayaa waxay doonanba ha ahaadeene

  • Ahmed cadde 7975195 7 years ago

    Run ahaantii taliyuhu madadii koobnayd uu
    joogay waxaa la dareemay isbadal dhanka amniga ah
    Waana ka xamuhay xilka qaadistan waana mid aan
    Waxna loo cuskan
    Loona aabayeelin
    Mahadsanidiin

  • Mohamoud ilgiir 7 years ago

    Asc go,aanka kasoo baxay taliye erag ilama aha mid sax ah sababta hadii qof walba oo waxqabad leh xilka laga qaado waxba noo hagaagi mayaan.

  • Mohamoud ilgiir 7 years ago

    Asc go,aanka kasoo baxay taliye arag ilama aha mid sax sababta hadii qof walba oo waxqabad leh xilka laga qaado waxba noo hagaagi mayaan.

  • Asc waxan u arkaa go,aanka sax ah

  • Shirwac Abdisamed 7 years ago

    Asc Daljir xilkaqaadista taliyaha gobolka mudug waxaaan u arkaaaaa in lagu deg degay 0907412301

  • Shirwac Abdisamad 7 years ago

    Run Aha anti I ilama wanaagsana in shaqo kajoojin lagu sameeyo taliyaha Afdalow waayo shaqo badan buuu qabtay intuuu xilka hayey waxaaaa yaraaday tuuugtiii habeenkii dadka taleefanada kafuran jiray iyo habebkii oo ay ciidanka shaqadooda si wacan ugu taaaan thanks radio Daljir.com
    0907412301

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com