Taliyayaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska Soomaaliya oo Maanta la Dhaariyay

Sabti, May 09, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa hortiisa lagu dhaariyey taliyeyaasha cusub ee Ciidammada Asluubta iyo Booliska S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac iyo S/Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamid.

Taliyeyaasha ayaa waxaa dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay taliyeyaasha cusub, isagoo dhanka kalena kula dardaarmey inay sii labanlaabaan hawshii wanaagsaneyd ee ay horey u qabteen taliyeyaashii ka horeeyay, la lana yimaado qorshe amniga dalka lagu xoojinayo.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ,Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com