Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir,”Ilaa Hadda Layma Sheegin In Xilkii Layga Qaaday”

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir,”Ilaa Hadda Layma Sheegin In Xilkii Layga Qaaday”

Korneyl Bishaar Bishaar Abshir Geeddi oo ah taliyaha Ciidanka Booliska qeybta Gobolka Banaadir, ayaa markii ugu horeysey warbixino warbaahintu qortay oo sheegayey in xilkii laga xayuubiyey.

Hadal hayntaan ayaa timid kadib markii lasheegay in taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid (Saciid) uu xilka ka qaadis ku sameeyay Korneyl Bishaar Abshir Geeddi, xilkaasina uu u magacaabay General Axmed Xasan Maalin.

Korneyl Bishaar Abshir Geedi, Taliyaha Ciidanka Booliska qeybta Gobolka Banaadir, oo lahadlayey warbaahinta magaalada Muqdisho qaarkeed ayaa sheegay inaan ilaa hadda loo xaqiijin laguna wargelin in xilkii laga qaaday.

Taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir ayaa yiri “La iguma soo wargelin in xilka la iga qaaday, cid ila soo xiriirtay oo ii sheegtay in xilka la iga qaadayna ma jirto, warbaahinta oo keliya ayaan ka maqlay”.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com