Taliyaha Guud ee Ciidamada Kenya oo Kismaayo gaaray ,lana kulmay madaxda Jubbaland

Sabti, Ogoosto 29, 2015 (Daljir) — Taliyaha guud ee Ciidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM Lt General Leonard Ngondi oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa xaruta Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Inkastoo warbaahintu ay dibad joog ka ahayd kulanka, hadana arrimaha ay ka wada hadleen Axmed Madoobe iyo Taliyaha Ciidamada Kenya waxaa ugu muhiimsanaa dar dar gelinta howlgalka ka dhanka kooxda Al shabaab iyo sidii xili dhow loo bilaabi lahaa howlgalada lagu xoreynayo deegaanada ay Al shabaab ka joogaan Jubbaland.

Kulanka kadib ayaa Taliyaha guud ee Ciidamada Kenya Lt General Leonard Ngondi waxdaa uu kormeeray xerada ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin xaruntii Jaamacada Kismaayo isagoo Taliyaha booqday goobtii uu ka dhacay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay dugsiga tababarka ciidamada SNA.

Lt General Leonard Ngondi ayaa sidoo kale garoonka Diyaaradaha Kismaayo kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Kenya ee AMISOM ee saldhiga ku leh garoonka diyaaradaha Kismaayo.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com