Taliyaha Cusub oo Garoonka Bosaaso oo Beeniyay warar la isla Dhex-marayay

Somalia, December 21, 2015-(Daljir)_ Taliyaha cusub ee ciidan ilaalada Garoonka Bosaso ayaa shalay xilka la wareegay Gaashaanle Aadan Muuse Jaamac, waxaa ka qayb galay Masuuliyiinta gobolka Bari iyo kan demada Bosaso.

Waxayna masuuliyiintu shaqo wanaagsan u rajeeyeen, Gaashaanle Aadan,Taliyaha Qaybta gobolk bari Cabdixakiin Xuseen Yuusuf oo ka hadlay munaasabada ayaa beeniyey warar sheegayey in  ciidan cusub loo qorayo garoonka,kuwa hada joogaana shaqada laga joojin doono wuxuuna tilmaamay inaysan waxba ka jirin warkaas.

Taliyaha ayaa sheegay in Suuqa lagaliyey warar buran bugaanto ah oo sheegaya in ciidanka Garooka Bosaso  la finishayo, wuxuuna carabaabay inaysan jirin Askari shaqada laga cayrinayo,islamarkaana aysan ka mudnayn,Cabdixakiin ayaa xusay in ciidanku  har iyo habeenba usoo jeedeen ilaalinta Garoonka,ayna mudan yihiin kaliya abaalmarin.

Cabdikariin ayaa sheegay in dhawaan tababar loo furi doono Ciidamada ilaalada Garoonka,kuwa cusubna la qorayo iyagana uu sheegay  in tababar loo furi doono,Askarigii isugu la qabsan waaya ayuu tilmaamay inuu isaga harayo,balse aysan jirin cid shaqada laga cayrinayo.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com