Site icon Radio Daljir

Taliyaha Cusub ee Nabad Suggida oo Xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee ciidamada Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah ula xilka Taliska Sare ee Hay’adda Nabad Suggida Somaliya.

Munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Ciidamada NISA ee Habar Khadiijo, ayaa waxaa xilkii Taliyaha NISA si rasmi ah ula wareegay Taliyaha cusub oo maalin ka hor la soo magacaabay.

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya iyo Wasiiro ayaa goobjoog ahaa madaxa xafladda xil wareejinta ay ka dhaceysay

Exit mobile version