Taliyaha Cusub ee Madaxtooyada Puntland oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha Cusub ee Madaxtooyada Puntland oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha Cusub ee Madaxtooyada Dowladda Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed ayaa maanta xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidamada Madaxtooyada G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf.

Munaasibadda xilwareejinta oo ka dhacday Rugta Ciidamada Madaxtooyada waxaa ka qeybgalay Taliye ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland Sareeye Guuto Axmed Cali Salaad, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir, Ku-simaha Agaasimaha Guud Ahna Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Timacade, Afhayeenka Ahna Agaasinka Warfaafinta Jaamac Dabaraani, Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Cabdisalaam Xasan Ducaale, Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada Cabdiqaadir Geedi iyo dhammaan Saraakiisha Ciidamada ee Madaxtooyada .

Dhammaan Madaxdii hadashay ayaa u rajeeyey guul iyo shaqo wanaagsan Taliyaha cusub ee ciidamada Madaxtooyada dowladda Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com