Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Maanta Xilka la Wareegay

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Maanta Xilka la Wareegay

Munasabad uu xilka kula wareegay taliyaha cusub ee ciidanka asluubta Soomaaliya Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac,oo ay ka soo qeyb galeen Wasiiro ka rirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaanada labada Gole ee Barlaanka, taliyaha Ciidamada Booliska iyo agaasimaha hay’adda Nabada sugida ayaa lagu qabtay Xarunta Xabsiga dhaxe ee Xamar .

Taliyhii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliya Sareeye Gaas Xuseen Xasan cismaan ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay taliyah Cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, iyadoo uu goobjoog ka ahaa wasiirka cadaaladda Soomaaliya Xasan xuseen xaaji , waxaan uu halkaasi ka jeediyay hadalo dardaaran ah.

Taliyah Cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliya Sareeye Guud Bashiir Maxamed jaamac ayaa sheegay in uu dardargalin doono howsha shaqo ee Taliska ciidanka Asluubta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com