Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Shir Nabadeed Puntland & Galmudug uga Furay Gaalkacyo (Sawiro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Shir Nabadeed Puntland & Galmudug uga Furay Gaalkacyo (Sawiro)

Waxaa maantay Hotel Ambbesy ee koonfurta magaalada Gaalkacyo si rasmi ah loogu daah-furay shir hor-dhac u ah hishiis rasmi ah oo u dhaxeeya bulshada labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.

Gogoshaan Nabadeed ee maantay la dhigay koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa si rasmi ah xariga uga jaray Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo muddo 2 maalmood ah ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, waxaana gogoshaan fidiyay Talyaha Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Md. C/wali Jaamac Gorod oo kaashanaya Talyaha Guud ee ciidanka difaaca Puntland Sareeye Guuto General Siciid Maxamed Raage (Siciid Dheere) iyo saraakiil ka tirsan hoggaanka Taliska Xoogga Dalka, iyadoo ay kaalin wayn is-afgaradkaan ay ka qaateen xildhibaanno heer federaal ah.

Madaxwayne Xaaf oo khud-bad dheer ka jeediyay madasha ayaa yiri “Dhulka lagu dagaalayo waxaa ka dhiseynaa guryo, ma jiri karta dhul la isku qabsado iyo sabab ay dadka Gaalkacyo isku dagaalaan, annigu waxaan 50 sano ka hor wax ku bartay, kuna barbaaray Gaalkacyo qaybta Waqooyiga, waa caqli xummo wayn iyadoo dhulkii uu yahay mid Soomaali oo dhan ka badan haddana in maalin kasta ay boqolaal qof ku dhintaan wado laami ah, iyo daaqsin, waxaan talo kusoojeedin lahaa in shacabka Puntland ay soo dagaan dhulka Galmdug, Kuwa Galmdug-na ay dagaan dhanka Puntland”

Gogashaan Nabadeed ee maantay la dhigay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kasoo qayb-qaatay oo madasha xaadir ku ahaa 2da Guddoomiye, 2da Maayir, Waxgaradka, Iyo cuqaasha dhinacyada koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Talyaha Guud ee CXD Sareeyo Gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa isagoo ka hadlaya shirka waxaa uu yiri “Inta aan Madaxwayne Farmaajo ii magacaabin xilkaan ayaan ka shaqaynayay nabadaynta gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacyo, illaahay baan idinku dhaarshee rabbigiin cafis waydiista, aduunkiina waad ka harteen, aakhirana ma aydiin gaarin”

Shirka waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Md. Sonkor Jaamac Gayre, Talyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland Generaal Siciid Dheere, Sariikha Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka, Iyo cuqaasha labada dhinac, waxaana dhammaantood isku raaceen in ay diyaar u yihiin Gaalkacyo in ay noqoto meel nabad ah, dhinac kasta waxaa ay xaqiijiyeen in Nabadda Gaalkacyo aysan wax sharuud ah ku xiraynin.

Maalinta birri ah ayaa la filayaa in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalku uu si rasmi ah ugu dhawaaqo Guddi isku dhaf ah oo ka duwan guddiyadii horey loo magacaabi jiray, iyadoo sidoo kalena la filayo isla maalinta birriya in meesha laga saaro ciidamada is-hor fadhiya, iyo xaduudaha ay samaysteen Galmudug iyo Puntland.

Waaxda Warfaafinta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com