Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Baladweyne gaaray

HomeWararka

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Baladweyne gaaray

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge ayaa safar dhulka ah ku gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo Tal

Soomaaliya oo Balan Qaad ka heshay Xiriirka kubbadda Cagta Adduunka Minifootball (dhegayso)
Soomaaliya oo ka qeyb gashay furitaanka shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buhoodle (dhegayso)

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge ayaa safar dhulka ah ku gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo Taliyaha ay ku soo dhoweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliye Odawaa ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Gobolka Galgaduud oo uu safaro ku marayay qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolkaas, isagoo abaabulayay ciidamada xoogga, una kuur galayay xaaladooda.

Waxaa uu safar dhinaca dhulka ah uu kaga soo ambabaxay deegaano ka tirsan Galgaduud, isagoo soo maray deegaano badan oo u dhaxeeya Galgaduud iyo Hiiraan.

Taliyaha ayaa la filayaa inuu abaabulo ciidan iyo mid dagaal ka bilaabo Gobolka Hiiraan, isagoo la kulmi doona Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 27aad ee ku sugan Gobolkaas.

Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa gacanta ku haya dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoo wadada isku xirta Beledweyne iyo Buulo Burte ay go’an tahay, oo Al-Shabaab horay weeraro ka fuliyeen wadadaas, iyagoo go’doomiyay Buulo Burte.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: