Taliyaha Ciidanka xooga oo u digay Ciidamadda Dowladda (Daawo)

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ay u digay Saraakiisha iyo Askarta diidan Nidaamka diwaangalinta ee ay waddo Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa uu bogaadiyay tilaabadda lagu diwaangalinaayo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay muhiim tahay in la ogaado tiradooda si loo qalabeeyo.

Indhoqarshe ayaa sheegay inay baxayaan Ciidanka & Saraakiisha Xoogga dalka ee diidan nidaamka lagu saxaayo Ciidamada.

Indha Qarshe ayaa xusay Sarkaal kasta oo gadaal ku wata arrimo Qabiil, inuusan sii joogeyn Ciidamada Xoogga dalka Somaliya dhexdooda oo uu noqon doono mid luma.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com