Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka Somaliyeed oo Garowe lagu soo dhaweyaay (dhegayso)

Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka Somaliyeed oo Garowe lagu soo dhaweyaay (dhegayso)

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka tirsan wasaaradda gaashaan-dhigga soomaaliyeed ayaa soo gaaray Magaaladda Garoowe .

Waxaana taliyaha soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidammada difaaca Puntland oo uu hoggaaminayo Gen Saciid Dheere,ciidamadda iyo saraakisha Dowladda Puntland ayaa Taliyaha kusoo dhaweyaay Caasimadda Puntland ee Garowe,

Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay Ayaa ka mahadceliyaay sida Wanaagsan ee lagu soo dhaweyaay Caasimadda Puntland ee Garowe,isago sheegay ujeedka Socdaalkiisa Garowe inay tahay sidii uu ugu kuur gali lahaa ciidamadda Daraawishta Puntland ee Garowe ku sugan kuwaas oo 2,400 oo cidankaas ah dhawaan lagu wareejiyaay Dowladda Somaaliya.

Axmed Sheekeeye ayaa warbixintaan ka diyaariyay .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com