Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed oo Magacaabay Taliyaha Isgaarsinta

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa Magacaabay taliyaha Isgaarsiinta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Gashaanle Sare Cabdikariim Xuseen Macalin ayaa loo magacaabay Taliyaha hoggaanka Isgaarsiinta Ciidanka Booliska Soomaaliyed.

Taliyaha cusub ayaa badeli doona taliyihii hore ee hoggaanka Isgaarsiinta, waxaana lagu waddaa in uu xoojiyo shaqooyinkii howlaha Isgaarsiinta Ciidamada Booliska ee ka socday Muqdisho iyo Caasimaddaha maamul goboleedyadda.

Gaashaanle Sare C/kariim, ayaa horay u soo qabtay xilka Taliyaha Miino Baarista Ciidanka Booliska iyo Taliyaha Akademiyada ciidanka Booliska Soomaaliyeed.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com