Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Keating oo Gaalkcyo kulan kula qaatay Madaxda Labada dhinac (Sawiro)

Taliyaha ciidamada Booliska dawlada federalka Soomaaliya Mudane Bashiir Cabdi Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka degay Garoonka diyaaraha ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Taliyaha socdaalkiisan gobolka Mudug ayaa salka ku hayey Tacsiyeyn ku aadan Weerarkii lagu dilay Taliyihii ciidamada Booliska ah ee isku dhafka gobolka Mudug iyo sidoo kale sidii loo buuxin lahaa Booskii uu ka baxay.

Socdaalkan wafdiga Taliyaha ayaa waxaa ku wehelinayey Wafdi uu hogaaminayo U qabilsanaha Qaramada Midoobay Soomaaliya isagoo kormeer iyo qiimayn ku samayn doona Xaalada magaalada iyo Amniga gobolka Mudug.

Wafdigan ayaa kulan la qaadanaya Saraakiisha Amniga,Gudoomiyaha gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com