Taliska Ciidamada Bada ee Puntland ayaa ka warbixiyay Howlgalo ay Ciidamada bada Puntland ay ka sameeyeen saacadihii la soo dhaafay Buuralayda Gal- gala ee Gobolka bari .
Taliska ayaa sheegay in Howlgalkan looga gol lahaa dhabar jabinta kooxdii dhawaan soo weerartay Saldhigii Ciidamada Puntland ay ku lahaayeen Deegaanka Bali khadar , waxaana la xaqiijiyay in Howlgalkan lagu dilay ilaa iyo 53 ka tirsanaa Shabaabkii Weerarka soo qaaday oo ay Ciidamadu ka daba tageen .
Hadaba Taliyaha Ciidamada Bada ee Puntland Admiraal C/risaaq diiriye oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Bosaaso ayaa faah faahin ka bixiyay Howlgalkan ay qaadeen .
Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xili Taliska Maraykanka ee Africom ay sheegeen in Ciidamadooda Howlgal ay ka sameeyeen Buuralayda Gal- gala ay ku dileen ilaa iyo 27 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shababka .
U Jawaab Dodsi Buri halceliska