Taliyaha Ciidanka Badda Puntland PMPF oo ka hadlay Howlgal laga fuliyaay Galgala (dhegayso/Sawiro)

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland PMPF oo ka hadlay Howlgal laga fuliyaay Galgala (dhegayso/Sawiro)

Taliska Ciidamada Bada ee Puntland ayaa ka warbixiyay Howlgalo ay Ciidamada bada Puntland ay ka sameeyeen saacadihii la soo dhaafay Buuralayda Gal- gala ee Gobolka bari .

Taliska ayaa sheegay in Howlgalkan looga gol lahaa dhabar jabinta kooxdii dhawaan soo weerartay Saldhigii Ciidamada Puntland ay ku lahaayeen Deegaanka Bali khadar , waxaana la xaqiijiyay in Howlgalkan lagu dilay ilaa iyo 53 ka tirsanaa Shabaabkii Weerarka soo qaaday oo ay Ciidamadu ka daba tageen .

Hadaba Taliyaha Ciidamada Bada ee Puntland Admiraal C/risaaq diiriye oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Bosaaso ayaa faah faahin ka bixiyay Howlgalkan ay qaadeen .

Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xili Taliska Maraykanka ee Africom ay sheegeen in Ciidamadooda Howlgal ay ka sameeyeen Buuralayda Gal- gala ay ku dileen ilaa iyo 27 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shababka .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • Dodsi 6 years ago

    Ilaa iyo kan ugu dambeeya waa inay xaqiijiyaan meydkiisa kuwaas naxariis malaha in loo naxariisto ma aha

  • NUURKANEDERLAND 6 years ago

    IS ISIS GOOD FOR THE JEWS=ISRAELI.
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    OK.
    GAAS IYO BIIXI DABCAN WAXAA LAGU AMRAY INAY LA SHAQEEYAAN KOOXDAAS.
    WAANA TAAS TA AY WELI UGU NOOL YIHIIN GALGALA.
    LKN WAYKU TARMI WAAYEEN WHY? SHACABKAA FAHMAY KOOXDAAS IWM.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com