Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Booqday Xarunta Caruurta celinta Caruurta Darbi jiifka

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Booqday Xarunta Caruurta celinta Caruurta Darbi jiifka

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan oo ay wehliyaan ku xiggeenadiisa iyo Saraakiil kale, ayaa maanta Booqday Xarunta dhaqan celinta Caruurta Darbi jiifka iyo agoonta ee DR KADARE, halkaasi oo lagu xanaaneeyo caruur agoon ah iyo kuwa darbijiif ahaa.

Xaruntaan, ayaa hadda waxaa gacanta ku haya Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana ku jira 180 oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in ujeedada kormeerka uu ku tagey Xaruntaan ay tahay u kuur galida xaaladda Nololeed ee Caruurtaan Xarunta Dr kadare lagu xanaaneeyo sida dhanka Waxbarashada, Hoyga iyo Raashinka.

Taliyaha ayaa xusay in Nolosha caruurta xaruntaan ku jirta ay tahay mid wanaagsan, waxaana uu tilmaamay in waxyaabo yar yar oo ka dhiman Xarunta dhaqan celinta Caruurta Darbi jiifka iyo agoonta ee DR KADARE ay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo dhameystiri doonaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com