Taliyaha Ciidanka Asluubta DFS oo daah-furay Tartan Ciyareed u dhaxeeya Maxaabista & Asluubta (dhegayso)

Taliyaha Ciidanka Asluubta DFS oo daah-furay Tartan Ciyareed u dhaxeeya Maxaabista & Asluubta (dhegayso)

Ciyaarahaan oo ah mid lagu muujinayo doorka is dhaxgalka ciidanka iyo maxaabiista oo ay ku tartamayaan ilaa iyo sadex iyo tobon kooxood ayaa ciyaartii ugu horaysay ee Furitaanka ciyaarta fooda is daray koox ku ciyaaraysay magaca ciidanka asluubta soomaaliyeed iyo kooxda biya muunda oo ciyaarta ku matalaysay maxaabiista .

Taliyaha ciidanka asluubta soomaaliya sareeye Gaas xuseen xasan cismaan ayaa si rasmi udaahfuray ciyaarta isagoo sheegay in ciyaarahaan ay qaybtahay dhirigalinta iyo isdhaxgalka ciidanka iyo maxaabiista waxaana uu intaa ku daray in cidii ku guulaysata koobka ay helo doonto Abaal marin iyo dhiirigalin uu ugu talagalay Taliska ciidanka asluubta soomaaliyeed.

Wariyaha Radio Daljir ee Muqdisho Cabdulqaadir irshaad ayaa Warbixintan kaso diray Muqdisho

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com