Taliyaha Booliska Somaliya oo Booqday Madaxweyne Gaas

Arbaco, Oktoobar 14, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta hoygiisa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug Puntland waxaa ku soo booqday  Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Xassan Xaamud, oo booqasho maalmahaanba ku joogay Puntland .

Taliyaha iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa Madaxweynuhu uu ka qaatay salaan sharaf , waxaana uu uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland ,ku waasoo indhahooda ku soo arkay dhismaha ciidan ee Puntland kajira .

Puntland ayuu ku amaanay Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Shiikh Xassan haykalka dawladnimo ee kajira ,isagoona soo arkay ciidan Booliis ah oo dhisan diyaarna u ah inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo idmaday .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa taliyaha ku bogaadiyey inuu sii laba jibaaro dadaalada uu wado ee uu rabo inuu ku horumariyo ciidanka Booliska .

Ciidanka Booliska Dawladda Puntland ayaa hada waxaa u socoda qeybtood tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda, halka qeybtoodna loo soo geba gebeeyey tababaradaasi diyaarna ay u yihiin sidii ay u howlgeli lahaayeen, waxbadana uga badali lahaayeen qaabkii hore ee ay ku howlgeli jireen.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com