HomeUncategorized

Taliyaha booliska Qaramada midoobey ee Soomaaliya oo Garoowe soo gaarey.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax Erag iyo Madax kale oo Puntland ayaa Maanta Garowe shir kula yeeshay Wafdi u hoogaminyay Christoph buik Taliyaha Booliska QM u qaabilsan Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sii jeeday Galgala oo dhexda dagaal ku qabsaday.
Isleged, Guddoomiyaha goblka Sool ee Somaliland oo ka badbaaday isku day dil.
Dhagayso Awaamiir kasoo baxday Guddiga Amniga Gobolka Nuugaal
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax Erag iyo Madax kale oo Puntland ayaa Maanta Garowe shir kula yeeshay Wafdi u hoogaminyay Christoph buik  Taliyaha Booliska QM u qaabilsan Soomaaliya.
 
Shirkan oo ka dhacay Xarunta Hay’adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC ayaa loga hadlay  Qaab-dhismmeedka Cusub ee ay yeelanayaan  Ciidamada Booliska Soomaaliya oo lagu wado in tayayn lagu sameeyo.
 
Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland ahna ku simaha Wasiirka Amniga Puntland C/casiis Aadan Guul  iyo Sharciyaqaano reer Puntland ayaa shirka qayb ka ahaa,waxaana la isku raacay in la sameeyo Gudi farsamo oo ka shaqeeya Qaabdhismmeedka Cusub  ee Ciidamada Booliska Soomaaliya ay yeelandoonan.
 
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa Xusay in Tayaynta Ciidamada Booliska Puntland meel fiican ay marsiinayaan  blse ay u baahan-yihiin in laga gacansiiyo Tobobarada Ciidamada iyo inay helaan Dugsiyo Tobobareed oo Puntland u gaaar ah.
 
Sidoo kale,Taliyaha Booliska Puntland Jen. Erag ayaa tilmaamay in Ciidamada Booliska Soomaaliya qaab-dhismeedkooda cusub lagu saleeyo Cilmiga iyo cudud booliska  Maamul kasta oo Soomaaliyeed u leeyahay.
 
Dhinaca kale, Taliyaha QM qaabilsanaha  u qaabilsan  Booliska Soomaaliya Christoph buik ayaa sheegay in Qaabdhismmeedka Cusub ee ay yeelanayaan Ciidamada Booliska Soomaaliya in uu wax badan u ka badali-doono Amnig Soomaaliya,isagoona Puntland ku amaanay Amniga ay ku naaloonayaan.
 
Ugu Danbaytii Shirkan ayaa dabo Socday shirar hore oo laga hadalayay Qaabdhismeedka Cusub ee Ciidamada Booliska Soomaaliya ay yeelandoonan, Sida Manhajka Tobarada Ciidamada iyo qeexida qaab xulitaankooda.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: