Taliyaha booliska Puntland oo kormeeray garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Boosaaso, Dec 04 2016–Taliyaha Ciidamada Booliska Puntlnd oo ku sugan Magaalada Bossaso ee Xarunta Gobalka Bari oo wehlinayaan Saraakiil sare sare oo kirtsan  Booliska Puntland ayaa Maanta  kullan la qaatay Maamul-ka  Garoonka Diyaaradaha Bossaso iyo Madaxda Laamaha Amaanka.



Kullankan ayaa u jeedkiisu ahaa  wargalinta  Wareegto  Taliska Booliska Puntland uu ku mamnuucayay in Masuuliyiinta Puntland ee aanan ahayn Madaxweynaha,ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlmaanka aysan Garoonka bossaso la so galin karin Waardiye iyo Hub intaba.



Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland General C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa Laamaha Amniga Garoonka Diyaaradaha Bossaso amray in Amarkaas siduu yahay u fuliyaan,Maadama Garoonku yahay halka laga Akhrisanayo Amniga Dalka.



Sidoo kale,Taliyaha Booliska Puntland General Erag ayaa Sheegay in Golayaasha Dowlada Puntland uu sida ugu dhaqsiyaha Badan ugu gudbin-doono Wareegtadan uu ku mamnuucayay in Garoonka Madaxda Dowlada ee aanan ahayn Xubanaha sare ay la yimaadan Waariyaal,kuwaaso uu sheegay in cabsi galin karaan dadka ka so dagaya Garoonka Caalamiga ah ee Bossaso.



Dhinac akale, Taliyaha Booliska Puntland ayaa Maanta Kormeer ku tagay Saldhigyada Mijir iyo Baalade oo ka mid ah Saldhigyada Magaalada Bossaso,isagoona intaas kadib booqday Xarunta Wasaarada Maaaliyada Puntland oo ku taala Magaalada Bossaso ee Xarunta Gobalka Bari.



Ugu Danbaytii,Taliyaha Booliska Puntland General C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa sheegay in u siiwadi-doono Tirakoobaka Ciidamada Booliska Puntland ee uu u yimid Gobalka Bari iyo Isfahsiinta Laamaha Amaanka  iyo Shacabka Gobalka Bari.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com