Taliyaha bileyska gobolka Bari oo ka hadlay dilkii xalay ka dhacay Bossaso iyo kuwii ka horreeyey.

Bossaso April, 25- Taliayaha Booliska gobolka Bari Siciid Jamac Haruun ayaa waraysi uu maanta (Isniin) siiyey idaacadda Daljir kaga hadlay dilalkii ka dhacay magaalada Bossaso oo uu ugu dambeeyey kii loo gaystay Allaha u naxariistee marxuun Siciid Cumar Xassan habeenkii xalay.

Siciid Jamac Haruun taliyaha qaybta bileyska wuxuu intaasi ku daray in dilalka ay fulinayaan manaxayaal cadaw ah ayna tahay mid aan la fiirsan, wuxuuna tilmaamay in ciidanka bileysku ay wadaan baaritaan la xiriira arrintaasi ayna natiijada u soo bandhigi doonaan saxaafadda.

Saraakiisha booliska ayaa mararka ay faldambiyeedyadu dhacaan badanaa isticmaala erayada waa baaraynaa, waa ku raadjoognaa iyo kuwa kale umana badna in dhacdada mar dambe la soo hadal qaado haddii lagu guulaysan waayo qabashada dambiilaha.

Muddooyinkii dambe waxaa magaalada Bossaso laga dareemayey hawl-gallo ay wadaan ciidanku siiba xilliga habeenkii ah, waxaana xaafadaha magaalada lagu arkaa ciidanka oo roondo sameynaya kuwaas oo ku qalabaysan hubka fudud iyo kawaarida ciidanka.

Mararka qaarna waxaa lagu arkaa xaafadaha ciidamada oo cagta maalaya una socda si raxa-raxan ah, balse taasi ma noqon mid baajisa dilalka qorshaysan ee lagu hayo dadka wax-galka ah.

Axmed Sh. Maxamed ?Tallman?
Daljir Bossaso

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com