Taliyaaniga oo Gadiid ku wareejiyaay Dowladda Somaaliya

Taliyaaniga oo Gadiid ku wareejiyaay Dowladda Somaaliya

Dowladda Talyaaniga ayaa labo gaadiidka Gaashaaman ku wareejisay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Booliska oo u uu guddoomay Wasiiraka Amniga Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow.

Dowladda Talyaaniga ayaa deeqdaan Gaadiidka Gaashaaman Soomaaliya u soo marsiisay Ururka Midowga Africa, waxaana looga gol leeyahay iney dowr muhiim ah ka ciyaaraan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, sida lagu sheegay Barta Twitterka Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga waxay ka mid tahay dalalka sida aadka ah u daneeya Arrimaha Soomaaliya kana taageerta Arrimaha Millitariga iyo dhinacyada iyo horumarineed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0